
WELCOME TO WAABGALE FOUNDATION.
Ku soo dhowoow Waabgale Foundation. waa Non Profit organization oo ka shaqeyn doona Hormarinta Mashaariicda guud ee Waxbarashada,Caafimaadka iyo Kobcinta Dhaqaalaha. isla markaana caawin doona degaanada aay haa tan si xun u wax yeelaysay abaaraha gaar ahaan Gobolada Waqooyi, Baydhabo,Bakool iyo dhamaan Jubooyinka oo dhan.
WAABGALE FOUNDATION Wuxuu ku war-gelinayaa dhamaan walaalaha WAABGALE in Cod bixintii loo qaaday in lagu doorto Loga-da ama Astaan Gaar ah ee uu WAABGALE FOUNDATION yeelan Lahaa mustaqbal ka dhow La soo gaba gabeeyay. Cod bixintaas Loga-da waxaaa lagu soo bandhigay in ka badan 15 Logo qurux badan oo kala duwan. 9 Ka mid ah Loga-daas waxaa soo diyaariyey ama Farsamadeeda lahaa Jaaliyada WAABGALE FOUNDATION ee EUROPE (yurub). 6 ka mid ah Loga-daas waxaa soo diyaariyey ama Farsmadeeda lahaa Jaaliyada WAABGALE FOUNDATION ee North America. Hadaba Maamulka sare ee WAABGALE FOUNDATION Mar kuu arkey dhamaan Loga-daas wuxuu si wadajir ah u doortay Loga-da hoos ku sawiran iyo banner-keeda.
MAHAD NAQ GAAR AH.
Anigoo ku hadlayo Magaca Boqor tooyada Waabgale Foundation Waxaa Sharaf weyn ii ah inaan Halkan ugu Mahad celiyo Dhamaan Xubnaha Muhiimka ah ee hoos ku qoran:
GUDOOMIYAHA HAWEENKA
GOLAHA SARE EE GARSOORKA
GUDOOMIYAHA XIRIIRKA CAALAMIGA
UGAASKA
NABAD DOONADA
GUDOOMIYAHA
GUDOOMIYE KU XIGEEN KA
BOARD MEMBERS KA
DHAMAAN AQOON YAHANADA
DHAMAAN DHAQAATIIRTA
DHAMAAN SIYAASIYIINTA
DHAMAAN INTA KU ABTIRSATO
Waabgale Foundation.
.
Schedule Free
Consultation

Gacmo wadajir bey wax ku gooyaan.
waxaa muhiim ah in si weyn loo fahmo muhiimada aay leedahay in la xiriiriyo raximka isla markaana la adkeeyo xiriirka walaal tinimo ee ka dhaxeeyo Boqortooyada waabgale .






"waxaaan ahay waabgale
dhalad ah waxaan SI aad ugu farax sanahay
horumarka IYO GUUSHA waabagale FOUNDATION. HANOOLAADO ,HANOOLAADO.
"
HELLO! WAABGALE FOUNDATION AROUND THE GLOBE. THANK YOU

SHIR WEYNAHA JOOGTADA AH OO AH SHIRKII 54 AAD EE ASBUUC LAHA AHAA OO AAY BOQOR TOOYADA WAABGALE KU QABAN JIRTAY MAGAALADA MOGADISHO AYAA MAANTA OO JIMCO AH TAARIIKHDU TAHAY 07/21/2017
LAGU QABTAY MAGAALADA
MOGADISHO EE DALKA SOMALIA.
xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo aay ka soo qeyb galeen Madax sare oo ka tirsan Waabgale Foundation ayaa waxay ka dhacday goobo kala duwan oo dalka iyo dibadiisa ah.
xafladaan oo lagu kala qabtay goobo kala duwan oo aduunka ah. magaalooyinka sida weyn looga dabaal degay ayaa waxaa ka a mid aha magaalada Minnesota,Boston,Kentucky,
Canada, Mogadisho,Baydhabo
iyo Sacuudi arabia.
Xafladaan waxaa aayado quraan ah ku furay Sheikh sharif Abdul wahab Yahya ismaaciil. Xaflada oo si weyn lays kugu afgartay ayaa waxaa ka soo baxay go,aan wax tar leh oo aay ka mid tahay la adkeeyo midnimada iyo horumarka la taaban karo ee uu gaaray
Waabgale Foundation.
waxaa kale oo madaxdii ka soo qeyb gashay shirka iyo dhamaan jaaliyada Waabgale Foundation aay si weyn iskugu baraarujiyeen sida aay muhiim u tahay in la dar dar galiyo kaalmada loo fidinayo dadka ka
soo barakacay Gobolada dalka ee u baahan gargaarka deg dega ah ee bani aadam nimo.
Xafladaas oo si toos ah ama live stream ah ugu qeyb qaatay Gudoomiyaha Boqortooyada
Waabgale Foundation AL- SAYID DR: SHARIF IBRAHIM SHARIF MUKHTAR
iyo Madax Sare oo ka tirsan Golaha Sare Garsoorka.
Ugaaska Ahlubeytka Hasan iyo Husein: UGAAS SHARIF ABSHIR SHARIF MOHAMUD
SHARIF HASSAN, AQOON YAHANO, GANACSATO
SARAAKIIL iyo NABADOONO
FARO Badan oo dalka iyo Dibadiisa joogo.
Gudoomiyaha Haweenka ayaa si adag ugu hadashay doorka aay haweenka ka qaataan dhiiri galinta jaaliyada iyo sugida AMNIGA.
sidoo kale gudoomiyaha Haweenka waxay sheegtay inay hiil iyo taageero buuxda aay la garab taagan yihiin sidii loo adkeyn lahaa midnimada iyo hormarka uu gaaray Waabgale Foundation.
Gudoomiyaha Haweenka ayaa deeq lacag ah oo aan la shaacin tiradeeda ka gudoomay Gudoomiyaha Xiriirka caalimaga
ah ee Waabgale Foundation.
waxaa lagu balamay in shirka kan xiga la qabto ASBUUCA SOO SOCDA EE 07/29/2017 haduu ALLAHA awooda leh uu ogalaado.
.
"WAXAAN AHAY HAWEENKA
WAABGALE EE SIDA XOOGAN U TAAGEERA JIRITAANKA
BOQORTOOYADA WAABGALE.
WAXAAN AAD U JECELAHAY
OO AAN SI BUUXDA U TAAGEER SANAHAY
GUDOOMIYAHA HAWEENKA WAABGALE OO AH LAF DHABARKA WAABGALE.
"
"MAASHAA - ALLAH !!! WAA GUUL MUUQATO OO LA TAABAN KARO HORUMARKA WAABGALE FOUNDATION.
WAXAAD MUDAN TIHIIN INAAD KU DAYATAAN TALAABADA WANAAGSAN.
"
"
"
RAMADAAN KARIM
WAXAAN MAHAD GAAR AH AAN U CELINAYAA DHAMAAN BOQORTOOYADA WAABGALE SIDA DEEQ SINIMADA LEH EE BISHA RAMADAAN U KAAL MEEYEEN WALAALA HOODA U BAAHAN IN LA CAAWIYO
BISHAN BARAKEYSAN EE
RAMADAAN.
WAABGALE FOUNDATION
WUXUU HIRGALIYAY
WAABGALE IFTAR
DHAMAAN MAGAALOOYINKA DALKA SOOMAALIYA OO DHAN.
"
"
ISHII BUKTAAY KU BIKAACSO
WAABGALE FOUNDATION WAXAA U RUMOOBEY RAJADII UU HIIGSANAAYAY. WAXAAN HALKAN SI GAAR AH UGU MAHAD CELINAYAA DHAMAAN MADAXDA WAABGALE FOUNDATION. gaar ahaan sirdoonka waabgale
foundation ( win ) oo ku guulaystay inuu badbaadiyo jiritaanka jaaliyada waabgale. isla markaana sugay amniga iyo nabad gelyada boqortooyada waabagale.
waxaan idinku dhiiri galinayaa inaad maxkamad sharci ah aad soo saartaan meelkasta oo uu joogo danbiilaha dhibaatada u geeystay jiritaanka boqortooyada waabgale.























XIKMADA MAANTA
XIKMADA MAANTA WAA HAL KU DHEG
ERAYO AH AMA JUMLADO AH KAAS OO WAX WEYN KA BADALI KARO NOLOSHAADA KUUNA HORSEEDAYO HORUMARKA NOLOSHA INSHA ALLAH:
"
KA DHEEROOW DADKA NIYAD JABKA ABUURA EE AAN WAX RAJO AH KA LAHAYN NOLOSHA, WAAYO ADNA WAXAY KUGU DARI KARAAN KOOXDOODA KA DHACAY NOLOSHA.
WAXAA QOREY : Gudoomiyaha Boqortooyada
Waabgale Foundation AL- SAYID DR: SHARIF IBRAHIM SHARIF MUKHTAR
"